Home Wararka Maanta Faahfaahin Israa’iil oo qaadeysa Weerar aargudasho ah iyo Wasiiradda Dagaalka oo go’aan...

Faahfaahin Israa’iil oo qaadeysa Weerar aargudasho ah iyo Wasiiradda Dagaalka oo go’aan gaaray

0

Dowladda Iran ayaa xalay weerar xooggan oo aargudasho ah ku qaaday Israa’iil, kaddib weerarkii milatariga Israa’iil ka fuliyeen Qunsuliyadda Iran ku leedahay magaalada Dimishiq, weerarkaasi oo lagu dilay saraakiil sar sare oo ilaalada Kacaanka katirsan.

Wasiiradda Israa’iil u qaabilsan dagaalka oo kulan saacado badan yeeshay ayaa la sheegay in ay go’aamiyeen in ay qaadaan weerar xooggan oo aargudasho ah, kaa ay ku qaadayaan dalka Iran iyo dalalka kale ee laga taageero.

Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa baahisay in golaha wasiirrada dagaalka ee Israa’iil ay isku raaceen in la qaado weerarro jawaab ah oo ka dhan ah Iran, kaa oo looga jawaab celinayo weerarkii xalay lagu qaaday Israa’iil.

Sida ay qortay Reuters waxaa jira kala qaybsanaan la xiriirta waqtiga weerarka la qaadayo iyo baaxadda u yeelanayo, waxaana adag in la helo xogaha ugu dambeeya ee ku aadan xilliga Israa’iil qorsheysay in ay qaado weerar aargudasho.

Xiisada colaadeed ee u dhaxeysa Iran iyo Israa’iil ayaa laga cabsi qabaa in meel xun gaaro iskuna badalo dagaal toos ah, waxaana jira walaac xooggan oo laga qabo xiisadan kasoo cusboonaatay Bariga Dhaxe.

Ad
Previous articleHoggaamiyaasha waddamada ku bahoobay ururka G7 oo wadahadal xasaasi ah yeeshay Weerarkii LagunQaaday Israil
Next articleImise Lacag ah ayaa Israail uga Baxday Wewrarkii Uga Yimid Iiraan?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here