Home Wararka Maanta IMF oo Shaacisay War Farxad U ah Shacabka iyo Dowlada Soomaaliya...

IMF oo Shaacisay War Farxad U ah Shacabka iyo Dowlada Soomaaliya oo ku saabsan Hannaanka dib u eegista barnaamijka Deyn cafinta

0

Hey’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixinta qiimaynta dib u eegista 5-aad ee Barnaamijka ECF ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo deyn cafinta Soomaaliya.

Hey’adda IMF ayaa warbixintaan ay soo saartay waxay ku sheegtay in iyadoo ay jiraan caqabado amni, dhaqaale iyo cunno-yari – haddana Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horumar wayn ka samaysay sharuudaha barnaamijka deyn cafinta ee loo soo gaabiyo ECF oo hadda dowladdu ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad.

IMF ayaa warbixinteeda qiimeynta ku sheegtay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay yareeyso isticmaalka kharashaadka laga maarmi karo, iyadoo xoogga saaraysa arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horreyso xoojinta sare u qaadidda dakhliga gudaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay in ay ka go’an tahay sii wadidda arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta xeerarka maamulka canshuuraha iyo iibka Qaranka oo muhiim ah sare u qaadidda dakhliga dalka.

Sidoo kale IMF ayaa bogaadisay Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay xeerar muhiim ah horumarka Maaliyadda Soomaaliya iyo hufnaanta dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta IMF ay ka soo saartay qiimaynta hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee ku saabsan shuruudaha Barnaamijka ECF ee deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxa aan soo dhaweynayaa warbixinta ay soo saartay hey’adda lacagta adduunka ee IMF, taas oo muujinaysa in dowladda Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka gaartay hannaanka dib u eegista 5-aad ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, warbixintaan ayaa soo baxday kadib shirar fool ka fool ah iyo kuwo foggaan arag ah oo aan yeelanay Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunka,” ayuu yiri wasiir Cilmi.

Wasiir ayaa intaas ku sii daray, “Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ka miro-dhalinta hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalkeenna tan iyo inta laga gaarayo Barta_Kama_Dambeysta ah ee Deyn-Cafinta oo aan dhawaan rajo wanaagsan ka qabno in aan gaarno.”

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan filaysa in ay gaarto barta loogu magac daray “kama dambeysta” oo ah halka lagu gaari doono deyn cafis dhammaystiran.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWeerar ku Bilowday qaraxyo oo lagu Qaaday Xero ay ku sugnaayeen Ciidmadii lagu soo Tababaray Eriteeriya
Next articleMuuse Biixi oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiir Cusub oo loosoo Magacaabay Soomaaliland(Sawirro)