Home Wararka Caalamka Hunter Biden oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Maraykanka oo ay maxkamadi...

Hunter Biden oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Maraykanka oo ay maxkamadi dembi ku heshay

0

Hunter Biden oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa lagu helay dambi ah inuu ka been sheegay isticmaalka daroogada markii uu iibsanayay qori.

Saddex saacadood oo dood ah ka dib, xeerbeegtida ayaa ku helay dambiga saddexda eedeymood.

Hunter ayaa wajahaya ugu badnaan 25 sano oo xarig ah dhammaan saddexda dambi. Taariikhda saxda ah ee la xukumayo lama sheegin, Garsooraha ayaasa sheegay in taariikhaha xukunku ay caadiyan ku dhacaan muddo 120 maalmood gudahood ah.

Hunter waxa uu muujiyey dareen yar markii la akhriyey xukunnada dembiyada, isaga oo hore u eegaya gacmihiisu isku laabnaa ka hor inta aanu u soo jeesan si uu u hab u siiyo qaar ka mid ah saaxiibbadiisa, kooxdiisa sharciga ah.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo saaray bayaan uu ku sheegay in uu aqbali doono natiijada kasoo baxda kiiska, uuna sii wadi doono in uu ixtiraamo nidaamka garsoorka maadaama Hunter uu ka fekerayo racfaan.

Madaxweynaha ayaa ku celceliyay inuu garab taagan yahay wiilkiisa. “Waligey ma beddeli doono taas,” ayuu yiri.

Madaxweyne Biden ma cafin doonaa wiilkiisa? Maadaama uu awood u leedahay in uu bixiyo cafis, laakiin madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in uusan ka cafin doonin wiilkiisa dembiga lagu helay.

Ad
Previous articleQaramada Midoobay oo sheegtay in ay ka argagaxday saamaynta ka dhalatay samato bixinta la haystayaasha Israa’iil
Next articleQabuuraha Iskool Buluusiya oo ay ka bilaabatay in dadku ay la baxaaan eheladooda ku aasan