Home Wararka Caalamka Qabuuraha Iskool Buluusiya oo ay ka bilaabatay in dadku ay la baxaaan...

Qabuuraha Iskool Buluusiya oo ay ka bilaabatay in dadku ay la baxaaan eheladooda ku aasan

0

Maantay waxa magaalada Muqdisho, gaar ahaan qabuuraha Iskool Buluusiya kabilowday in ay dadku la baxaaan eheladooda ku aasan halkaasi, kuwaas oo sanado kala duwan lagu xabaalay.

Soo bixinta meydadkan ayaa dabo joogta, kadib markii dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay si rasmi u shaacisay iney u baahantay dhulka qabuuraha ee Iskuul Buluusiya .

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir iyo Culumaa’udiin tagay dhulka Qabuuraha Iskuul Buliisiya ayaa ku baaqay in deg deg qabuuraha lagu saaro dadka ku aasan.

Ehelada ayaa durbadiiba saaka ku xoomay qabuuraha si ay meydadka ugala baxaan walow uu jiray jah wareer baahsan, warbaahinta qaar ayaa ku warrantay in dadka lagu xujeynayay warqado ay lacago siistaan si loogu fasaxo in ay lafaha dadkoodii lasoo baxaan.,

Hasa yeshee Cabdiqani Xasan Xaashi oo kamid ah dadka ay eheladu ugu aasanyihiin qabuuraha Iskool Buluusiya oo BBcda la hadlay aya beeniyay in wax lacag ah la weeydiiayy amaba laga qaaday markii uu dowladda hoose Muqdisho ka qaadanayey warqadda ogolaashaha si uu meeydka eheladiisa ula baxo.

Ad
Previous articleHunter Biden oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Maraykanka oo ay maxkamadi dembi ku heshay
Next articleCiidamada NISA oo Dhaqan layaab leh Xalay ku Kacay Dad Badana Xabsiga Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here