Home Wararka Somaliya Howlgal ka dhan ah Alshabaab oo Laga sameeyay Deegaano Hoostaga Dhuusamareeb

Howlgal ka dhan ah Alshabaab oo Laga sameeyay Deegaano Hoostaga Dhuusamareeb

0

Ciidamada DFS iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug oo is garabsanaya ayaa howlgal ka dhan ah  Al-shabaab ka bilbaabay deegaano hoostega Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa howlgalka oo ahaa mid qorsheysan sigaar ah uga sameeyay deegaanada kala ah Beer Liibaan Galle, Dharjo iyo Hogdugaag oo Dhuusamareeb u jira 70-KM.

Gudoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda Galmudug Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geedaqorow oo ka hadlay howlgalka ayaa shacabka ugu baaqay in aysan la shaqeyn Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdiraxmaan Geedaqorow ayaa sheegay in cidii lagu ogaado inay la shaqayso Al-shabaab ay u arkaan inuu lamid yihiin Shabaabka, isla markaana uu maamulka ka qaadi doono tallaabo sharci ah.

Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo Maxkamadda Ciidamada qeybta 21-aad ayaa iyaguna sheegay inay sii socon doonaan howlgalka la doonayay in Shabaab looga saaro deegaanada ay dowlad Goboleedka Galmudug kaga sugan yihiin.

Ad
Previous articleRooble oo Magacaabay guddi ka shaqeeya Doorashada
Next articleMidowga Musharaxiinta oo war ka soo saaray Guddi uu Magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here