Home Wararka Somaliya Jubbaland Horjooge Aadan Cabdiraxmaan Aadan iyo Idiris Cabdiraxiin Nuur iyo 40 kale...

Horjooge Aadan Cabdiraxmaan Aadan iyo Idiris Cabdiraxiin Nuur iyo 40 kale oo Alshabaab ah oo la Dilay

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah ay uga sameeyeen gobolka Jubbada Hoose.

Warbixin ay sii deysay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu beegsaday goob uu shir uga socday saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab.

Sida lagu sheegay warbixinta waxaa howlgalka lagu khaarijiyay laba horjooge iyo maleeshiyaad ka badan 40 ka tirsanaa kooxda oo ku sugnaa halkaasi.

Labada horjooge ayaa lagu kala magacaabi jiray, Aadan Cabdiraxmaan Aadan oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Baay iyo Idiris Cabdiraxiin Nuur oo kasoo jeeda dalka Kenya.

Aadan ayaa ahaa madaxa ilaalada ee degmooyinka Jamaame iyo Jilib, halka Idiris uu ahaa ku xigeenkiisa, sida ay shaaca ka qaaday warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in xilliga la weerarayayay ay qorsheynayeen inay weerar ku qaadaan deegaanka Baarsanguuni oo ay dagan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Ad
Previous articleDaryanka hub culus oo laga maqlay Garoowe
Next articleMadaxweynaha Ugandha oo ka caafimaaday cudur uu ku Tilmaamay Cadow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here