Home Wararka Somaliya Puntland Daryanka hub culus oo laga maqlay Garoowe

Daryanka hub culus oo laga maqlay Garoowe

0

Dhawaaqa hub culus ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.

Weriyeyaal iyo dad magaalada degan oo la hadlay Warbaahinta  ayaa ku sheegay in dhawaaqa hub la maqlay uu yahay hub ay tijaabo ahaan u ridayaan ciidamo gadoodsan oo kasoo horjeeda in la furo dastuurka maamulka.

Ciidamadan ayaa ku sugan aagga jidka soddonka ee magaalada. Ciidamadan ayaa la magacbaxay Danab.

Sidoo kale, ciidamo kale oo kuwa dowladda ah ayaa lagu arkayaa qeybo wadooyinka muhiimka ah ee magaalada, xarumaha dowladda iyo tan baarlamaanka.

Barlamaanka oo fadhigooda caadiga ah furmay toddobaadkii hore ayaa maanta shir ku leh xaruntooda.

Ad
Previous articleCali Guudlaawe oo Waji Gabax kala Kulmay Xilka Qaadistii uu Ku Sameeyey Cali Jayte
Next articleHorjooge Aadan Cabdiraxmaan Aadan iyo Idiris Cabdiraxiin Nuur iyo 40 kale oo Alshabaab ah oo la Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here