Home Wararka Caalamka Hooyo Sabab u Noqotay Dilka Ilmaheed Xili ay Aroos ku Socotay

Hooyo Sabab u Noqotay Dilka Ilmaheed Xili ay Aroos ku Socotay

0

Booliska dalka Cameroon waxay xabsiga dhigeen Haweeney magaceeda la qariyey, taasi oo la sheegay in wiil yar oo ay dhashay u dhintay, kaddib, markii ay siisay xaddi badan oo kaniiniga Tramadol ee ay dadka balwadda leh isku daroogeeyaan.

Haweeneydaasi waxay falkaasi u samaysay si uu cunuga u hurdo oo iyadana ay raacdo saaxiibo u socday xaflad caweys .

Shaqsi ka mid ah isticmaalayaasha barta Instagram waxa uu dadka la wadaagay sawirada haweeneyda iyo cunugeeda u dhintay kaniiniga ay siisay, si ay saaxiibadeeda ula soo xafladeyso.

Dhacdadan ayaa la soo weriyey inay ka dhacday deegaanka Likombo area ee Gobalka Tiko ee ku yaalla waqooyi galbeed ee dalka Cameroon.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa lagu sheegay inay haweeneyda ilmaha ku xirtay guriga, kaddib, markii ay siisay xaddi badan oo Kaniiniga Tramadol, ka hor intaysan aadin Xafladda.

Haweeneydaasi oo dib guriga ugu soo laabtay aroornimadii xigtay, waxay aragtay wiilkeeda oo u dhintay natiijada Kaniiniga daroogada ahaa oo ay siisay.

Cunuga dhintay waxaa la sheegay inuu dhowr bilood oo keliya jirey.Dadka Deegaanka Likomba ee ah goobta uu ilmaha yar ku dhintay oo aad uga carrooday falka ayaa la sheegay inay haweeneydii si xun u garaaceen, una gacan geliyeen booliska oo xabsiga dhigay.

Ilmihii yaraa ee sababsaday gacanta hooyadiisa ayaa waxaa la aasay, kaddib markii baaritaano lagu sameeyey sababta uu u dhintay.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleDuqeymo Culus oo Lala Beegsaday Daacish-Ta Ku Sugan Gobolka Bari Xili Alshabaab Gobolo Badan Laga Saaray
Next articleWAR DEG DEG AH: Taliye Xijaar oo Xilka Laga Qaaday Iyo Taliye Cusub oo la Magacaabay akhriso Maamulka Uu kasoo jeedo