Home Wararka Maanta Hoggaamiyihii Al-Qacida ee Yemen ee Malaayiinta Doolar lagu Raadinayay oo geeriyooday

Hoggaamiyihii Al-Qacida ee Yemen ee Malaayiinta Doolar lagu Raadinayay oo geeriyooday

0

Hoggaamiyihii Al-Qacida ee Yemen ayaa geeriyooday, waxaa sidaas ku dhowaaqay kooxda, ayada oo aan bixin wax faah-faahin ah.

Khalid al-Batarfi ayaa waxaa madaxiisa dul saarnaa abaal-marin ah $5 milyan, oo uu ballan-qaaday Mareykanka, sababo la xiriira hoggaamintiisa Al-Qacidada Jasiirad u yaalka Carbeed.

Inkasta oo la rumeysan yahay in sanadihii dhowaa ay daciiftay sababo la xiriira dagaal dhexdeeda ah iyo duqeymo diyaaradeed oo Mareykanka uu ku dilay dhowr ka mid ah hoggaankeeda, haddana kooxdan oo loo yaqaan AQAP ayaa loo arkaa laanta ugu halista badan ee Al-Qacida.

Al-Qacida ayaa sii daysay muuqaal muujinaya al-Batarfi oo ay ku duuban tahay karfan cad iyo calanka madowga iyo caddaanka ah ee kooxda.

Kooxda ayaan shaacin sababta dhimashadiisa, mana jirin wax calaamad dhaawac oo laga arki karay wejigiisa. Al-Batarfi ayaa la rumeysan yahay inuu ku jiray da’da 40-maadka.

Kooxda ayaa geerida Al-Batarfi ku dhowaaqday habeenkii koowaad ee Ramadanka, oo maanta ka billowday dalka Yemen iyo caalamka Islaamka.

Al-Batarfi ayaa la wareegay hoggaanka kooxda AQAP bishii Febraayo ee 2020. Waxa uu beddelay Qassim al-Rimi oo lagu dilay oo weerar drone ah ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, kaasi oo uu amray madaxweynihii xilligaas Donald Trump.

Waxay sidoo kale kooxdu sheegtay in Saad bin Atef al-Awlaki uu la wareegi doono hoggaankeeda.

Mareykanka ayaa horey madaxa Saad bin Atef al-Awlaki u dul saaray abaal-marin dhan $6 milyan, ayada oo sheegtay “inuu si shaacsan ugu baaqay weeraro ka dhan ah Mareykanka iyo xulufadiisa.”

Ad
Previous articleShiikh Shaakir oo Shaaciyay Inay Beritahay Maalinta Koowaad ee Bisha Ramadaan
Next articleDagaal Qaraar oo Dad badan ku Dhinteen oo Ka Dhacay Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here