Home Wararka Maanta Dagaal Qaraar oo Dad badan ku Dhinteen oo Ka Dhacay Mudug

Dagaal Qaraar oo Dad badan ku Dhinteen oo Ka Dhacay Mudug

0

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay dagaal beeleed maanta ilaa iyo caawa ka dhacay deegaanka Buq oo ka tirsan degmada Towfiiq ee Bariga gobalka Mudug.

Goob-joogayaal ayaa soo warinaya in dagaalku qarxay kadib markii la dilay labo nin oo xoolo dhaqato ah, sidaasina uu dagaalku ku xoogeestay.

Labadaan reer ee dagaalamaya ayaa Heshiis la dhex dhigay Sanadkii hore ee 2023.

Belahaan Dagaalamaaya ayaa kala Ah Beesha Dir iyo Shiikhaal loobage kuwaas oo Dagaal Culus ka Dhex Qaraxay Kadib Markii Maleeshiyaad kasoo Jeeda Beesha Shiikhaal loobage ay Dileen Laba nin oo xoola Dhaqata ahaa Islamarkaasna Kasoo Jeeday Beesha Dir.

Intaas Kadib  Beesha Dir ayaa Qaaday Dagaal aargoosi kaas ilaa Xalay Fiidkii Soo Gaaray Saakay ayaa laga Cabsi Qabaa in markale Dagaal Ka Qarxo aagii Shalay Ilaa Xalay Lagu Dagaalamayay Madaama Laba Beelood Wali is Horfadhiyaan.

Ad
Previous articleHoggaamiyihii Al-Qacida ee Yemen ee Malaayiinta Doolar lagu Raadinayay oo geeriyooday
Next articleQoor Qoor oo ku Wajahan Furimaha Dagaalka Mudug Xili Magaloooyin Waawayn laga soo Baxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here