Home Wararka Maanta Hoggaamiyaha calooshood u shaqeystayaasha Wagner oo fariin u diray dalal Afrikaan

Hoggaamiyaha calooshood u shaqeystayaasha Wagner oo fariin u diray dalal Afrikaan

0

Aasaasaha shirkadda gaarka ah ee militariga Ruushka ee Wagner, Yevgeny Prigozhin, ayaa u sheegay warbaahinta Afrique Media TV in calooshood u shaqeystayaasha ay sii wadi doonaan shaqada ay ka hayaan dalal ka tirsan Afrika.

“Waxaan sii wadeynaa inaan ka shaqeyno dhammaan dalalkii aan ka bilownay howlaha ama aan hadda shaqo ka wadno,” ayuu ku yiri wareysi uu bixiyay.

“Haddii caawinta kooxda Wagner looga baahan yahay meel kasta si loola dagaallamo burcadda iyo argagixisada iyo ilaalinta danaha dadka dalalkan, waxaan diyaar u nahay inaan si degdeg ah u bilowno si aan u gudano hawshan ka dib markii aan ku heshiinno shuruudaha.” Ayuu yiri Prigozhin.

Waxa uu intaa ku daray “ma jirin, mana dhici doonto in la dhimo barnaamijyadayada Afrika”.

Hadalkiisa ayaa daba socday warar la isla dhex marayay oo ku saabsan suurtagalnimada ka bixitaanka calooshood u shaqeystayaasha Wagner ee dalalka Mali iyo Jamhuuriyadda Afrikada dhexe.

Wararka hadal haynta dhaliyay ayaa soo shaac baxay kadib markii Mr Prigozhin uu 24-kii Juune muddo kooban kacdoon ka sameeyay Ruushka.

Kooxaha u dooda xuquuqda ayaa ku eedeeyay calooshood u shaqeystayaasha Wagner inay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ka geysteen Mali iyo meelo kale.

Ad
Previous articleAlshabaab lacago aruursanaayay oo la Weeraray Hubna Laga soo Furtay(Sawiro)
Next articleToogasho ka dhacday New Zealand oo ay ka furmayaan ciyaaraha koobka adduunka haweenka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here