Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Alshabaab lacago aruursanaayay oo la Weeraray Hubna Laga soo Furtay(Sawiro)

Alshabaab lacago aruursanaayay oo la Weeraray Hubna Laga soo Furtay(Sawiro)

0

Ciidamada deegaanka ee degmada Qoryooley ayaa weeraray goob Alshabaab lacago uga qaadi jireen shacabka, 2 Dagaalame ayaa goobta lagu dilay labo qorina waa laga furtay Sida Lagu Faafiyay Telefeshinka Qaranka.

Dowlada ayaana Soo Bandhigtay Hubkii Ay kasoo Furteen Alshabaabka La dilay Sida ka Muuqata Sawirada Hoose.

Dagaal ka Dhan Ah Alshabaab aya Maalmahaan kasocda Soomaaliya Waloow uusan Si Rasmi ah uga Bilaaban Maamulka Koonfurgalbeed oo Go,doon ku jira.

Galgaduud iyo Shabeelada Dhexe ayaana Shalay Alshabaab iyo Dowlada Dagaalo Qaraar ku Dhexmareen Dowlada ayaana Shaacisay inay Dishay 150 Alshabaab ah Diyaaradaha Maraykanka  ayaana Qayb ka aha Dagaalkii Shalay.

Diyaaradaha Maraykanka ayaa Mudo halad Galiyay Caawintii ay Cawinaayeen Ciidanka Xooga Dalka Balse Tagitaankii Taliyaha NISA ee maraykanka ayaaa Dib loosoo Fasaxay Inay ka Qaybqaataan Dagaalka Wajiga Labaad oo dhawaan bilowday

Ad
Previous articleDibad Baxayaal Caraysan oo Xoog Kugalay Safaarada ee Swedan Ku leedahay Dalka….
Next articleHoggaamiyaha calooshood u shaqeystayaasha Wagner oo fariin u diray dalal Afrikaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here