Home Wararka Maanta Hoggaamiyaha calooshood u shaqeystayaasha Wagner oo fariin cusub soo diray

Hoggaamiyaha calooshood u shaqeystayaasha Wagner oo fariin cusub soo diray

0

Madaxa ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ee Ruushka, Yevgeny Prigozhin, ayaa sheegay in ciidamadiisa Wagner ay aad ugu mashquulsanyihiin maalmahaan, shaqaaleysiinta ciidamo cusub.

Wuxuu baahiyay farriin cusub iyadoo lagu jiro olole rasmi ah oo lagu muujinayo in ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner la howl galiyay tan iyo markii uu dhacay kacdoon kooban bishii Juun.

Qaar ka mid ah dagaalyahanada ayaa u guuray Belarus, kuwa kale waxay noqdeen ciidamo joogto ah, halka i kuwo kalena oo badan ay ka fariisteen shaqada.

Mr Prigozhin ayaa ku adkeysanaya in Wagner uu hadda go’aan ka gaarayo ujeeddooyinkiisa xiga, laakiin inta ka horreysa go’aankaasi ay sii joogayaan Afrika iyo xarumaha tababarka ee Belarus.

Ad
Previous articleHalkee ku dambeeyay madaxweynihii Niger ee xilka laga tuuray?
Next articleWAR DEG DEG AH:Baarlamaanka Labada Aqal oo cod aqlibayad leh ku ansixiyay Miisaaniyda Dowlada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here