Home Wararka Maanta Halkee ku dambeeyay madaxweynihii Niger ee xilka laga tuuray?

Halkee ku dambeeyay madaxweynihii Niger ee xilka laga tuuray?

0

Madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalka Niger ayaa markii ugu horreysay la arkay tan iyo markii milatarigu ay xireen afgambina ay ku sameeyeen toddobaadkii la soo dhaafay.

Maxamed Bazoum ayaa kula kulmay hoggamiyaha Chad Mahamat Idriss Déby caasimadda Niger ee Niamey.Mr Déby ayaa hormuud u ah dedaallo xal loogu raadinayo xaaladda ka taagan Niger, iyadoo wadamada galbeedka Afrika ay u qabteen milatariga in muddo toddobaad ah kaga noqdaan go’aankooda afgambiga.

Madaxda milatariga ayuu sidoo kale la kulmay madaxweynaha chad.

Gen Abdourahmane Tchiani, madaxii ciidamada madaxtooyada ayaa si iskiis ah ugu dhawaaqay inuu yahay hoggaamiyaha Niger Jimcihii la soo dhaafay.

Ad
Previous articleMaxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun Adag Ku Riday Tiktikleey Gacan ka Hadal dhexmaray
Next articleHoggaamiyaha calooshood u shaqeystayaasha Wagner oo fariin cusub soo diray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here