Yaxya Ibraahim Xasan Sinwar oo ah 61 sano jir, ayaa qabanaya Booskii Ismaaciil Haniya, waana nin adag oo aad ay uga walaacsan tahay Israaiil, Muddo 22 sano ah ayuu xirnaa oo ku jiray xabsiyada Israaiil.
Dariiqada Qasa ayay isku baacsadaan isaga iyo ciidanka Israaiil, wuxuuna hoggaamiyaa howlgalka gudaha ee kooxdan
Dadka ugu doonista badan ee ay Israaiil raadinayso ayuu Liiska hore kaga jiraa.
Magacaabistiisa waxaa la aaminsan yahay inay kaalin weyn ka ciyaartay dawladda Iiraan oo sida muuqata aad u diidanayd Khalid Mashcal oo xilka hoggaamiyaha kooxdan loo saadaalinayey.
Howlgalkii duufaanta Gasa inuu maskaxdeeda qeyb lixaad leh ka qaatay ayaa u diwaangashan, madaxiisana waxaa dul saaran Lacag fara badan waana mayal adag oo Israel ay necel tahay.