Home Wararka Caalamka Hogaamiyaha ugu Sarreeya Taalibaan oo markii labaad Noloshiisa ka soo muuqday Goob...

Hogaamiyaha ugu Sarreeya Taalibaan oo markii labaad Noloshiisa ka soo muuqday Goob fagaare ah.

0

Hoggaamiyaha ugu sarreeya Afgaanistaan ayaa ka soo muuqday muuqaal naadir ah iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay si loo xuso Ciiddul Fitriga.

Mullah Hibtullah Akhundzada sheegay in kumanaan qof oo ku cibaadeysanayay masaajidka Eidgah ee koonfurta magaalada Kandahar ee Afgaanistaan ay heleen xoriyad iyo amni tan iyo markii Taliban ay xukunka dib la wareegeen bishii Ogosto ee la soo dhaafay.

Ma uusan soo hadal qaadin mowjado qaraxyo ah oo ay ku dhinteen tobannaan qof oo reer Afgaanistaan ah bishii Ramadaan ee la soo dhaafay. Waxa ay ahayd markii labaad oo la xaqiijiyay in uu goob fagaare ah kasoo muuqdo tan iyo markii uu la wareegay talada Taliban sanadkii 2016-kii.

Ad
Previous articleMareykanka oo wacad ku maray inuu sii laba jibaarayo Taageerada Hubka Ukraine ilaa ay ka Guuleysato.
Next articleGudoomiyaha Golaha Shacabka oo Hoygiisa kula Tukaday Masuuliyiin kala Duwan (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here