Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Hoygiisa kula Tukaday Masuuliyiin kala Duwan (Sawirro)

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Hoygiisa kula Tukaday Masuuliyiin kala Duwan (Sawirro)

0

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka  BFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa salaadda ciidda kula tukaday mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda.

Guddoomiyaha ayaa ummadda Soomaaliyeed uga baryey Allah in uu ka aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee ay soo guteen, wuxuuna u duceeyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida kaga nool yihiin.

Madaxda dowlada ayaa marka la gaaro munaasabadaha ciidaha waxaa looga bartay iney wadajir ula tukadaan shacabka, in masuul walba uu hoygiisa gooni ugu tukado waa dhaqan ku cusub dowladnimada Soomaalida.

Magaalada Muqdisho iyo guud gobolada dalka ayaa maanta si isku mid ah waxaa uga socda dabaaldegyo loo sameynayo munaasabada maalinta 1aad ee ciidul Fitriga ka dib markii ay dhamaatay bishii barakeysneyd ee Ramadaan oo shalay ku ekeyd, taasoo dadka muslimiiinta ee caalamka ay soo guteen waajibaadka soonka oo ah mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.

Ad
Previous articleHogaamiyaha ugu Sarreeya Taalibaan oo markii labaad Noloshiisa ka soo muuqday Goob fagaare ah.
Next articleAxmed Karaash oo fagaare kula ciiday shacabka Magaalada Boosaaso(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here