Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Hirshabeele oo Go,aan Cusub Soo Saartay Xili Go,aankii Cali Jayte Hirgalay

Hirshabeele oo Go,aan Cusub Soo Saartay Xili Go,aankii Cali Jayte Hirgalay

0

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada dowladda Hirshabelle ayaa beenisay qoraal uu soo saaray Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo sheegayey in laga bilaabo maanta uu muddo afar cisho ah xirnaan doono garoonka dayuuradaha Baladweyne.

Cali Jeyte ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in garoonka Ugaas Khaliif ee Baledweyne aysan kasoo dagin wax dayuurad ah marka laga reebo kuwa ATMIS iyo tan qaadka keenta.

hase ahaatee waxaa talaabadaas ka hor timid Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada dowladda Hirshabelle oo shirkadaha dayuuradaha ku wargelisay ineysan fulin amarkaas uuna furan yahay garoonka Ugaas Khaliif.

“Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada dowladda Hirshabelle waxay beenineysaa warqadda been abuurka ah ee saacadihii lasoo dhaafay lagu soo faafiyay baraha bulshada, wasaaraddu waxeey fareysaa dhamaan shirkadaha duulimaadyada iyo bulshada in garoonka diyaaradaha Ugaas Khalif ee magaalada Beledweyne uu shaqadiisa maalinlaha ah wato. Wasaaradda waxay duruuf kasto ugu shaqeyneysaa bulshada Hirshabelle; ayaa lagu sheegay qoraalka Wasaarada oo u qornaa sidatan hoose:-

Ad
Previous articleGalmudug oo Waaran Soo Qabasha ah Ujartay Maleeshiyaad Dhawaan Duleedka Dhuusamareeb ku laayaybDad. Safar ahaa
Next articleDagaallo culus oo ka socda Khartuum iyo Darfur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here