Home Wararka Maanta Dagaallo culus oo ka socda Khartuum iyo Darfur

Dagaallo culus oo ka socda Khartuum iyo Darfur

0

Iska horimaadyo, rasaas iyo duqeymo xagga cirka ah ayaa ka dhacay caasimadda Suudaan Axaddii shalay, iyadoo dagaal u dhexeeya kooxaha millatari ee iska soo horjeeda oo ay ku barakaceen 2.5 milyan oo qof, isla markaana sababay dhibaato bini’aadanimo uu galay todobaadkii 11-aad.

Goob joogayaasha ayaa sidoo kale sheegay inay kordheen rabshadaha maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Nyala oo ah magaalada ugu weyn galbeedka gobolka Darfur.

Qaramada Midoobay ayaa Sabtidii qeylo dhaan kasoo saartay beegsiga qowmiyadeed iyo dilka dadka ka soo jeeda beesha Masalit ee ku nool El Geneina ee Galbeedka Darfur.

Caasimadda Khartoum iyo El Geneina ayaa waxaa si xun u saameeyay dagaalkii 15-kii April dhex maray ciidamada Sudan iyo xoogaga RSF ee, inkastoo todobaadkii hore ay xiisado iyo iska horimaadyo ka dhaceen qaybo kale oo ka tirsan Darfur iyo koonfurta Kordofan.

Dagaallada ayaa sii xoogeystay tan iyo markii heshiisyo xabbad-joojin ah oo xiriir ah oo lagu heshiiyey wadahadallo ay garwadeen ka ahaayeen Mareykanka iyo Sacuudiga oo ka dhacay Jeddah ay fashilmeen.

Wadahadallada ayaa la hakiyay toddobaadkii hore.

Ad
Previous articleHirshabeele oo Go,aan Cusub Soo Saartay Xili Go,aankii Cali Jayte Hirgalay
Next articleXasan Sheekh Maxamuud oo magaalada New York kula kulmay Mudane António Guterres una Gudbiyay arrin caqabad ku noqotay dagaalka kooxda Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here