Home Wararka Maanta Hay’adaha Xuquuqul aadanaha oo Somaliland si kulul u Eedeeyay

Hay’adaha Xuquuqul aadanaha oo Somaliland si kulul u Eedeeyay

0

Hay’addaha arrimaha bini’aadantinimada ka shaqeeya ayaa aad u cambaareeyay xarigga iyo barakicinta khasabka ah ee in ka badan 1,000 qof oo isugu jira haween, carruur iyo rag, kuwaas oo ay Somaliland kasoo barakacisay magaalada Laascaanood ee caasimadda gobolka Sool.

Wada hawlgalayaasha bani’aadamnimada ayaa sheegay in ay isku –dubbaridayaan qiimeyn bani’aadamnimo oo deg -deg ah, si loo dejiyo tirada dadka ay dhibaatadu saameysey, baahidooda degdegga ah, iyadoo lala kaashanayo maamulka Puntland, si loogu helo hoy ku-meelgaar ah.

“Waxaan aad uga walaacsannahay warbixinnada barakac khasab ah oo la qorsheeyay maalmaha soo socda. Waxaan ugu baaqeynaa hay’adaha samafalka inay bixiyaan oo dedejiyaan gargaarka degdegga ah, iyadoo lala kaashanayo maamulada maxalliga ah, si loo helo xal waara,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda isku-daridka gargaarka QM ee UNOCHA,

UNOCHA ayaa ku boorisay Somaliland in ay si taxaddar leh u dhaqmaan oo ay helaan xal waara oo lagu xushmeynayo xuquuqda iyo sharafta dhammaan dadka ay dhibaatadu saameysey.

Dadka sida khasabka ah looga barakicinayo Laascanood, ayaa halkaas ku noolaa muddo ku dhow 20 sano. Waxayna hadda u nugul yihiin cawaaqib xumada ka dhalan karta xaaladdahooda bani’aadamnimo.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleGalmudug oo war ka Soo saartay jarista Dhirta (Akhriso)
Next articleDhageyso Ciladii ku timid Baraha Bulshada oo saamaysay Dad tiradoodu ay gaarayso 10.6 milyan qof oo ku kala sugan guud ahaan caalamka