Dhageyso Ciladii ku timid Baraha Bulshada oo saamaysay Dad tiradoodu ay gaarayso 10.6 milyan qof oo ku kala sugan guud ahaan caalamka

Adeegyada aaladaha baraha bulshada ee dadku ku wada xiriiraan ee Facebook, WhatsApp iyo Instagram ayaa dib hawada ugu soo laabtay kadib markii uu hawada ka maqnaa ku dhawaad ​​6 saacadood,sida ay shirkadu sheegtay.
Shirkadda ayaa sheegtay in sababta ay ahayd cillad ku timid hannaanka ay shirkadahani u shaqeeyaan.
Dhammaan saddexdan aalad ee baraha bulshada ayaa waxaa iska leh shirkadda Facebook, waana muddadii ugu dheereyd ee barahani buslahada ay hawada ka maqnadaan sida ay shirkadu sheegtay.
Dad tiradoodu ay gaarayso 10.6 milyan qof oo ku kala sugan guud ahaan caalamka ayaa soo sheegay in ay dhibaatadani saameysay.
Shirkadahani ayuu adeegooda hawada ka baxay qiyaastii abaaro xalay fiidkii xilliga geeska Afrika.
Bayaan ay soo saartay shirkadda Facebook ayaa lagu sheegay inaysan jirin “wax caddeyn ah oo muujinaya in xogta dadka isticmaala barahani galaagal lagu yeeshay intii ay cilladani jirtay”. Shirkadda Facebook ayaa barteeda twitter -ka ku soo qortay raaligelinteeda ku aaddan dadka ay saameysay intii adeegyadani hawada ka maqnaayeen.
 In muddadaasi dheer ay barahani bulshada hawada ka maqnaadaan ayaa ah wax dhif iyo naadir ah. Khubarada falanqeeya arrimahani ayaa sheegay in carqaladda ku timid facebook iyo shirkadaha kale ee ay bahwadaagta yihiin uu ka dhashay khasaaro xooggan oo soo gaaray shirkadahan.
Saamiga shirkadda facebook ayaa hoos u dhacay 5% suuqa saamiyada magaalada New York. Cilladdan ku timid adeegyada barahan bulshada ayaa waxaa uu saaameyn ku yeshay 3 bilyan iyo bar ah dadka isticmaala.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*