Home Wararka Maanta haweeney kunool hal guri in ka badan boqol sano oo Wacad lu...

haweeney kunool hal guri in ka badan boqol sano oo Wacad lu Martay inay….

0

Haweeney 105 jir ah oo hal guri ku wada nooleyd nolosheeda oo dhan, ayaa wacad ku martay inaysan waligeed ka guuri doonin gurigani.

Elsie Allcock, ayaa waxay ku dhalatay guri laba sariirood leh, oo ku yaalla deegaanka Huthwaite, oo katirsan Nottinghamshire, kadibna waxay ku iibsadeen gurigani iyada iyo ninkeedii dhintay lacag gaareysa £250.

Mudadii ay kunoolayd gurigani, Elsie, ayaa waxay goob joog u ahayd dhamaadkii dagaalkii koowaad ee aduunka, dagaalkii labaad ee aduunka, shan madax dawladeed, iyo 22 raysal wasaare oo Ingiriis ah.

Hadda waxay halkaas kula nooshahay wiilkeeda oo 76 jir ah, Raymond.

Elsie, oo dhawaan 105 sano jirsatay, ayaa wali waxay ka dhex shaqeysaa gudaha guriga, oo waxay waqti galisaa beerista, samaynta waxyaabaha hidaha iyo dhaqanka iyo ereyo bixinta.

Sheekada haweeneydani iyo hoygeeda, ayaa waxaa daawatay malaayiin, iyagoo ku wadaagay Baraha Bulshada.

“Weligay kamaan tegin guriga, mana ka tagi doono, illaa aan ka geeriyoonayo,” ayay tiri

Ad
Previous articleAfhayeenka Taliban oo farriin u diray Reer Galbeedka
Next articleGacan ku dhiigle kale oo Baxsad ahaa oo lagu Qabtay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here