Home Wararka Maanta Gacan ku dhiigle kale oo Baxsad ahaa oo lagu Qabtay Muqdisho

Gacan ku dhiigle kale oo Baxsad ahaa oo lagu Qabtay Muqdisho

0
Ciidanka booliiska gobolka Banaadir ,gaar ahaan kuwa ka howlgala degmada Dharkeenley ayaa gacanta ku dhigay nin lagu eedeeyay in uu fal dil ah geestay.

Ninkan ciidanka booliiska qabteen oo ku jiray baxsad ayaa lagu eedeeyay in uu dilay wiil dhallinyaro ah, waxa uuna ninkan dilka geestay katirsanaa ciidanka xoogga dalka.

“16/7/2023 abaaro 12:15pm taliska qeybta guud ee boliiska gobolka Banaadir gaar ahaa saldhiga boliiska dharkeynley ayaa gacan kusoo dhigay eedeysane oo fal dil u geystay wiil yar, eedeysanaha waxa uu ka tirsan yahay ciidanka xooga dalka ,Waxaana la hor geyn donaaa caddaalada” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska.

Ciidanka booliiska ee howl gala magaalada Muqdisho ayaa marar badan gacanta kusoo dhigay kooxo hubeesan oo ku eedeesan in dilal ka geesteen qeybo kamid ah Muqdisho.

Ad
Previous articlehaweeney kunool hal guri in ka badan boqol sano oo Wacad lu Martay inay….
Next articleQoor Qoor oo Isugu Yeeray Saraakiisha Amniga Galmudug Xili Dagaalka Wajiga Labaad Galmudug ka bilaabanaayo(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here