Home Wararka Maanta Haweeneey aan wax xanuun dareemeeynin xitaa haddii gacanteeda ay gubaneyso

Haweeneey aan wax xanuun dareemeeynin xitaa haddii gacanteeda ay gubaneyso

0

Tani waa kiiska Jo Cameron, oo ah haweeney ku nool London. Joe ma dareento wax xanuun ah.

Cilmi-baadhayaashu waxay aaminsan yihiin in Joe aysan ahayn haweeneyda keliya ee adduunka ee aan dareemin xanuun.

Dhibaatadu waxay tahay, xitaa haddii gacanta Joe ay gubato, ma dareemeyso ilaa inay uriso mooyaane.

Dhakhtarkeeda waxa uu sheegay in Joe ay jirkeeda ku jiro laba isbeddel oo hidde-side ah taas ayaana sababtay inaysan wax xanuun ah dareemin.

Cameron ayaa qaliin looga sameeyay gacanta sanadkii 2013-kii, xilligaasi waxay jirtay 65 sano. Tan iyo markaas, cilmi-baaris ayaa socota cilmi-baarayaal khabiiro ah ka sameeynayaan xanuunkan.

Iyada oo arrintan ka hadlaysa, Joe Cameron waxa ay tiri, “Waxa aan ku khasbanaaday in la iga qalo gacantayda fursad dartiis. Ka dib waxaan la hadlay dhakhtarka suuxinta. Qaliinkaygu wuxuu ahaa mid aad u xanuun badan. Waxaa la ii sheegay in dhowr maalmood ka dib qaliinka, uu xanuunku si tartiib tartiib ah u tagi doono.”

“Waxaan galay qalliin gacanta la iga sameeynayay, ka dib markaan ka soo baxay ayaan waxaan la hadlay dhakhtarkii qabilsanaa suuxinta wuxuuna ii sheegay in qalliinkan galay uu yahay mid xanuun badan aan ku dareemi doono laakiin maalmo kaddib uu tartartiib u yaraan doono.”

“Balse waxaan ku iri wax xanuun ah ma dareemayo. Kaddib dhakhtarkii ayaa igu jawaabay ‘ waxa xanuun baabi’iye ah ma qaadanaysid, xaalad caadi ah ma ahan arrintan.”

Dhakhtarkii ayaa markaasi kaddib igula taliyay inaan la kulmo inaan booqdo Machadka University College London (UCL).

Halkaas waxaan kula kumay dhakhaatiir kuwaas muunad ka qaaday dhiigay si baaritaan loogu sameeyo. Waxaana la baaray Hidda Sidahayga.

Maxay dhakhaatiirta ogaadeen?

Baaritaanka ka dib, dhakhaatiirtu waxay ogaadeen in Joe Cameron uu ku dhacay xanuunka la yirahdo isbadalka hidde-sideyaasha ee Fa-Out ama Fa-Out gene mutation oo ah xaalad ka dhex dhacda koox unugyo ah. Cilmi baaris ayaa socota oo ku saabsan doorka ay hidde-sidayaashani ka ciyaaraan dhalmada, gabowga ama cudurrada.

Dhakhaatiirta ayaa sidoo kale ogaaday in protein-ka enzymes-ka loo yaqaan ee ku jira jirka Joe Cameron aysan si sax ah u shaqeynin.

Enzymes-ka waxaa soo saara unugyada noolaha. Waa borotiinno qani ah.

Dhakhaatiirtu waxay ku soo gabagabeeyeen in laba isbeddel ay sabab u yihiin dareen la’aanta Cameron ee xanuunka.

Unugyadeeda waxay bogsiiyaan nabar kasta 20 ilaa 30 boqolkiiba si dhakhso ah marka loo eego dadka kale. Kani waa nooc cajiib ah. Ayuu yiri Andrey Okorakov, oo ah kaaliyaha borofisar ee UCL, oo aaminsan in horumarka caafimaad ay markhaati u tahay arrintan.

Wuxuu si joogto ah wax ugu biiriyaa joornaalka neerfaha ee Maskaxda.

Bortiinka enzymes-ka eek u jira Joe ayaa si jooogto wax ugu biiriyaa Maskaxdeeda.

“Isbeddelkani waxa uu keenaa in unugyada xanuunka dareema ay noqdaan kuwo aan shaqayn,” ayuu yidhi Okorakov.

Ad
Previous articleQaraxyo ismiidaamin ah oo lagu weeraray xerada ciidanka ATMIS
Next articleHalkee ayay ku dambeysay doorashadii saddexda degmo ee gobolka Nugaal?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here