Home Wararka Somaliya Puntland Halkee ayay ku dambeysay doorashadii saddexda degmo ee gobolka Nugaal?

Halkee ayay ku dambeysay doorashadii saddexda degmo ee gobolka Nugaal?

0

Wali waxaan xal laga gaarin doorashooyin qof iyo cod ah oo ka dhici lahaa saddex degmo oo ka tirsan gobolka Nugaal ee Puntland, kuwaas oo markii hore guddiga doorashooyinka ay shaaciyeen in loo hakiyay sababo amni iyo kuwo farsamo dartood.

Guddiga doorashooyinka maamulkaas ayaa hadda sheegaya in ay socdaan dedaallo meel wanaagsan maraya oo arrimahaa lagu dhammeynayo isla markaana ay diyaar u yihiin ka guddi ahaan qabashada doorashooyinkaas marka la isku fahmo.

Taariikhdu markii ay ahayd 25-kii bishii May ayay ahayd markii ilaa 30 degmo oo Puntland ka tirsan lagu qabtay doorashooyin qof iyo cod ah markii ugu horreysay.

Natiijadii ay shaaciyeen guddiga dorashooyinka ayaa waxaa ugu sarreeyay saddex urur siyaasadeed, kuwaas oo kala ah; 1.Kaah, oo uu hoggaamiyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani 2. Mideeye, oo uu hoggaamiyo Assad Diyaano iyo 3. Sincad, oo uu hoggaamiyo Axmed Jabiye.

“Sidaad la socotid waa innagii 23-kii bishii hore hakinnay saddexda degmo sababo farsamo iyo amni oo markaas jiray welina waxaan war ka sugeynaa hay’adaha dowladda ee ay arrimahaas quseyso iyo bahda dhaqanka meel wanaagsan ayayna mareysaa, marka ay soo dhammaato ayaanu shaaci doonnaa xilliga ay deegaannadaas doorashada ka qabsoomeyso,” ayuu BBC-da u sheegay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Cabdirisaaq Axmed Saciid.

Maxay tahay caqabadda ay doorashada ilaa hadda uga qabsoomi la’dahay deegaannadaas?

“Wax hadda taagaan oo caqabad weyn ah ma jiraan, annaga guddi ahaan wax hadda taagan oo aanu ognahyna ma jiraan laakiin maaddaama ay markii hore u hakatay sababo markaa jiray oo siyaasadeed ama amini marka in sababihii qaab xal ah looga saaro unbaa lagu mashquulsanaa, annaguna maaddaama aan fursad siineynay intii ku hawlanayd arrimahaas xalliso welina fursaddii baanu weli siineynaa oo warbaan ka sugeynay laakiin wax dhibaato ah oo hadda taagtaagan ma ogi.”

“Annaga ka guddi ahaan inta ay quseysay oo saameynta ku lahayd inaan la tashano marka ay arrintan ay soo dhamaato oo aan wargelino kaddibna soo saarno maalinta la qabanayo doorashada arrin aad u dhibanna ma aha keliya waxay u baahantahay wargelin yar oo labo ilaa saddex maalmood ah ayay u baahantahay, farsamo ahaanna annaga waa inoo diyaarsan yihiin wixii lagu qaban lahaa,” ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Saciid.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in ka guddi ahaan ay rajo wanaagsan ka qabaan in xal laga gaaro doorashada oo muwaadiniinta deeggaanaas doorashada aadaan.

Arrimaha ku gadaaman degmooyinka aan doorashada laga qaban.

Waxaa markii hore la qorsheeyey in doorashada ay ka dhacdo 37 degmo oo ka tirsan Puntland.

Degmooyinka waxay ku kala yaallaan Bari, Nugaal, Mudug, Snaag, Haaylaan, Karkaar iyo Garfaduu.

Laakinse afar ka mid ah 37ka degmo ee la qorsheeyey ayaan la filayn in laga codeeyo. Degmooyinkaas ayaa kala ah Garowe, Dangoroyo, Burtinle, iyo Godob jiraan .

Sababtu waxay tahay ayadoo agabka doorashada uu gacanta u galay dad caraysan oo burburiyey iyo meelaha qaar oo khilaaf siyaasadeed uu ka jiro, ciidamana ay isku hor fadhiyaan.

Marka la eego xuddunta khilaafka, aragtida ay qabaan mucaaradka Deni ayaa dad xog-ogaal ah waxa BBC u sheegeen inay tahay in la caddeeyo qaabka loo wajahayo doorashada madaxtinimada Puntland ee lagu wado inay dhacdo bisha Janaayo ee 2024, waxayna ka cabsi qabaan in muddo kororsi uu yimaado.

Madaxweyne Deni wuxuu ku adkaystay in marka hore la qabto doorashada golayaasha oo ay seddex xisbi oo kaliya ka baxaan, ayadoo seddexdaas xisbi ay markaas magacaabi doonaan guddi doorasho oo aan ahayn midka ku-meel-gaarka ah ee hadda ka jira Puntland, kaasoo maamuli doona doorashada Madaxweynaha ee 2024.

Ad
Previous articleHaweeneey aan wax xanuun dareemeeynin xitaa haddii gacanteeda ay gubaneyso
Next articleDeni Oo Ku Wajahan Garowe Xili Xiisad Culus ka Taagantahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here