Home Wararka Maanta Haweenay Alshabaab Lagu Eedeeyay oo Lagu xukumay 15 sano

Haweenay Alshabaab Lagu Eedeeyay oo Lagu xukumay 15 sano

0

Deeqo Maxamed Xuseen Cabdi oo magaceed Afgarashadu yahay “Faadumo” ayaa laga soo xeray Kaaraan February billowgeedii Sanadkan.

Alshabaab ayay kaga biiray Ceelasha Biyaha Qiyaastii laba sana ka hor, waa 28-jir ku dhalatay Camaaro oo Mudug ka trisan.

Waxaa la qabtay iyada oo ku guda jirtay Warbixin ka dirista Xaaladda Guriga Askari la dilay Kaaraan, kadibna Baaris ay sameeyeen Boliiska ayaa laga soo helay Gurigeeda BamGacmeed iyo Bistoolad 7-xabadood wadata.

Waxaa Alshabaab ku Tashkiiliyay nin saaxiib la’ah Odaygeedii hore oo isna Alshabaab ka tirsan laguna magacaabo Cabdullaahi Xasan Yusuf, waxa ay kala tageen 2018-kii.

Maxkamadda Ciidamada ayaa maanta ku xukuntay 15-sano oo Xabsi Ciidan ah.

Ad
Previous articleXildhibaanada federaalka ee koonfurgalbeed iyo Jubaland oo isbaheysi Cusub sameystay(Sawiro)
Next articleErgayga Madaxweyne Xasan Sheikh oo la Kulmay Saraakiisha ATMIS (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here