Home Wararka Caalamka Hadal u Jeediyay Raysulwasaraha Britan oo Cara Xoogan ka Dhaliyay wadanka UK

Hadal u Jeediyay Raysulwasaraha Britan oo Cara Xoogan ka Dhaliyay wadanka UK

0

Hadal heyn iyo carro badan ayaa ka dhashay hadal uu shalay jeediyay Ra’isul Wasaaraha Britain Boris Johnson, waxaana hadalkan siyaabo kala duwan uga hadlay dad badan ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah.

Boris Johnson ayaa xilli uu khudbad jeedinayay shalay is barbardhig ku sameeyay dadka reer Ukraine ee dagaalka kala horjeeda ciidamada Ruushka iyo sidoo kale dadka reer Britain ee u codeeyay in Midowga Yurub ka baxaan.

Hadalkan kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Britian ayaana carro badan ka dhax abuuray siyaasiyiinta UK iyo sidoo kale kuwa Midowga Yurub, waxa ayna hadalkaasi siyaasiyiinta qaarkopod uga falceliyeen si adag,

Madaxweynihii hore ee Midowga Yurub Donald Tusk, ,ayaa hadalka kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Britain ku tilmaamay kuwo meel ka dhac ah oon laga fileyn in qof masuul ah afkiisa kasoo yeero.

Siyaasiyiinta iyo dadkjii kale ee ka falceliyay hadalka Boris Johnson ayaa sheegay in uusan xilligan la socon xaalada ay ku sugan yihiin dadka reer Ukraine, waxaana hadalkiisa ku tilmaameen mid laga naxo oo masuuliyad daro ah.

Ad
Previous articleJubaland oo Shaacisay Kuraastii u Danbaysay ee Taalay Kismaayo
Next articleWararkii ugu Danbeeyey ee Dagaalkii Ukrain iyo Ruushka oo Qabsaday magaalo Muhiim ah Muda dheer kadib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here