Home Wararka Caalamka Guri uu ku jiray Madaxweynaha Dalka Ukrain oo La Duqeeyeey(Sawiro)

Guri uu ku jiray Madaxweynaha Dalka Ukrain oo La Duqeeyeey(Sawiro)

0

Dalka Ukraine waxaa muddo isbuuc ah ka socda dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dalkaasi iyo kuwa Ruushka ee duullaanka ku qaaday, dagaalka ayaana dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada Ruushka ayaana madaafiic culus iyo gantaalo ku garaacaya magaalada Kyiv iyo magaalooyin kale oo dalkaasi kuyaalla, waxa ayna duqeymahaasi bur buriyeen xarumo dowladeed iyo xeryo ciidan.

Firirka gantaal ee ciidamada Ruushka ku garaaceen magaalada Kiyiv ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhacay guriga uu Madaxweynaha dalkaasi Zlenesky  degan yahay , lamana soo sheegin khasaaro nafeed oo gantaalka firirkiisa ka dhashay.

Sergii Nykyforov, oo ah afhayeenka Madaxweynaha Ukarine ayaa sheegay in firirka gantaal ay soo rideen ciidamada Ruushka ku dhacay qeybo kamid ah guriga Madaxweynaha,waxa uuna xusay in Madaxweynaha iyo qoyskiisa uusan waxba gaarsiin firirkaasi.

Waxa uu sheegay afhayeenka in Madaxweynaha Ukraine kaliya weerarkan kaga falceliyay” waa i sigeen”, waxa uuna Afhayeenka sheegay in ciidamada Ukraine wali iska difaacayaan ciidamada kusoo duulaay.

Madaxweynaha Ukarine ayaa horey u sheegay in ciidamada Ruushka doonayaan in ay dilaan isaga iyo qoyskiisa, waxa uuna diiday Madaxweynaha in uu dalkiisa ka cararo, isagoona ku adkeestay in uu diyaar u yahay in dalkiisa u dhinto.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleDegdeg : Sarkaal ka Tirsanaa Booliska oo goordhow la Toogtay
Next articleCiidamada amaanka Baladweyne oo Toogtay 2 kamid ah Alshabaab oo Sarkaal ku Dilay Magaaladaas.