Home Wararka Maanta Gudoomiyihii Kasoo Shaqeeyey Degmooyinka Hodan iyo Xamar Wayne Abuukar Salaad ee Alshabaab...

Gudoomiyihii Kasoo Shaqeeyey Degmooyinka Hodan iyo Xamar Wayne Abuukar Salaad ee Alshabaab Codkiisa Baahiyeen oo ugu danbayn laxukumay

0

Xukunka Guddoomiye ku xigeenkii Hodan iyo Xamarwayne ee Alshabaabnimada lagu eedeeyay.

Abuukar Salaad Maxamuud oo Dowladda Soomaaliya kasoo qabtay Xilalka Gudoomiye Ku xiggeenka Arimaha Bulshada Degmooyinka Xamar wayne iyo Hodan 2014-2019 ayaa lagu soo eedeyay in uu ka tirsan Kooxda Alshabaab uuna u qaabilsanaa dhoofinta iyo soo celinta kuwa dhaawaca ah ama xanuunsan.

Sanadkii 2021 ka Ugunji oo Shabeelaha Hoose ah ayuu iska xaadiriyay si u bilaabo xiriirka Alshabaab isagoo maraya horjooge ay qaraabo ahaayeen oo Alshabaab ka tirsan oo lagu magacaabo Cabdullahi Ibraahim.

Wareysi ku dhawaad tobon daqiiqo ahaa oo baraha xiriirka dadweynaha gaar ahaan Tegramka ay ku baahiyeen Alshabqab July ee sanadkan ayuu ku sheegay in mar kale shahaadada loo qabtay isla markaana Dowladda ku tilmaamtay gaalnimada ay la jecelyihiin.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Sagaalkii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukuntay, Abuukar Salaad Maxamuud Shan-sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha Maxkamdda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute.

 

Ad
Previous articleGaari ay Leedahay Shirkada Hormuud oo Lagu Qarxiyay Duleedka Muqdisho iyo Shaqaalaha Shirkado oo ku Dhintay
Next articleCaalamka oo Hambalyo ku Dhoobay Soomaaliya Kadib Dayn Cafintii Xalay lagu Dhawaaqay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here