Home Wararka Maanta Caalamka oo Hambalyo ku Dhoobay Soomaaliya Kadib Dayn Cafintii Xalay lagu Dhawaaqay

Caalamka oo Hambalyo ku Dhoobay Soomaaliya Kadib Dayn Cafintii Xalay lagu Dhawaaqay

0

Tan iyo markii shalay hay’adda lacagta aduunka IMF iyo baanka aduunka ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya laga cafiyay deyn dhan 4.5 bilyan oo dollarka Mareykanka ah waxaa isa soo taraya boogaadinta saaxiibada caalamka ay u dirayaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed oo gaaray guul taariiqi ah.

Kristalina Georgieva oo ah madaxa IMF ayaa Soomaaliya ugu hambalyeeysay guushan waxay tilmaamatay in IMF ay sii wadeyso xoojinta wada shaqeynta iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay.

Xoghayaha guud ee IGAD Workneh Gebeyehu ayaa amaanay dadaalka dheeriga ah ee dowlada Soomaaliya ay ku bixineyso dib u habeynta dhaqaalaha iyo arimaha bulshada.

Workneh Gebeyehu waxa kaloo uu bogaadiyay doorka hogaamineed ee gaarka ah ee horseeday isbadalo muhiim ah.

Midowga Yurub ayaa sheegay in ay go,an tahay taageerida Soomaaliya guushaan weyn kadib iyaga sare u qaadaya isbadalka dhaqaalaha.

Safaarada Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa iyada sheegtay in horumarada Soomaaliya dhanka dowladnada,dhisida heyadaha iyo horumarka dhaqaalaha ay yihiin kuwo bogaadin mudan

Ad
Previous articleGudoomiyihii Kasoo Shaqeeyey Degmooyinka Hodan iyo Xamar Wayne Abuukar Salaad ee Alshabaab Codkiisa Baahiyeen oo ugu danbayn laxukumay
Next articleXasan shiikh oo ka Dagay Dalka Uganda Iyo Ujeedka Safarkiisa oo la Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here