Home Wararka Maanta Gudoomiye Madaale oo ka farxiyay Hooyo Deeqo Muuqaal Dareen xumbaarsan Facebook ku...

Gudoomiye Madaale oo ka farxiyay Hooyo Deeqo Muuqaal Dareen xumbaarsan Facebook ku baahisay (Sawirro)

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay hooyo Deeqo Maxamed Makaraan oo ah hooyo dhashay sedex Caruur isla markaana la xanuunsan dhaawac dhinaca Lugta ah oo markiisa horey ku bilawday Jab, isla markaana gaaray heer aan gudaha dalka waxba loogu qaban karin.

Hooyo Deeqo Maxamed Makaraan ayaa baraha Bulshada soo dhigtay muuqaal damqasho lahaa kuna saabsan in ay la il-daran tahay xanuun dhaawac oo lugta ah, isla markaana aysan awoodin in caafimaad dibadda ah ay aado maadaama aan dalka waxba loogu qaban karin, iyadoona muuqaalkaasi ku codsatay in caawinaad loo fidiyo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho oo muuqaalkaasi ka daawaday baraha bulshada ayaa durbaba amray in lasoo baadi goobo hooyadaasi isla markaana xafiiskiisa loogu keeno, taasi oo suura-gelisay in maanta aqalka dowladda hoose ee Xamar la keeno.

Xaal-wareysi, u-dhaga nuglaashiyo iyo garowshiyo bini-aadannimo kadib ayuu guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) u balanqaaday hooyo Deeqo Maxamed Makaran in uu wax ka qaban doonno xaaladeeda Caafimaad, asigoona ugu bishaareeyay in dalka dibadiisa loo diri doonno maadaama aan gudaha waxba loogu qaban karin xaaladeeda caafimaad.

Ad
Previous articleCiidamo Safar Dhulka Ah ku Baxay oo Gaaray Magaalada Gaalkacyo Xili La Filaayo in Galmudug Weerar ku Qaadaan Alshabaab(Sawiro)
Next articleCiidamada Macawislayda oo Alshabaab Damacsanaa inay Ceelbiyood aasaan Cashar layaab leh u dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here