Home Wararka Maanta Ciidamada Macawislayda oo Alshabaab Damacsanaa inay Ceelbiyood aasaan Cashar layaab leh u...

Ciidamada Macawislayda oo Alshabaab Damacsanaa inay Ceelbiyood aasaan Cashar layaab leh u dhigay

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay deegaan hoostaga degmada Maxaas, kaasoo u dhexeeyay ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa ka danbeeyay kadib markii ciidamadda Macwuusleyda ay weerar culus ku qaadeen dagaal yahano Shabaab ah oo xiligaasi ku howlanaa iney aasaan Ceel biyood laga dhisayay deegaanka Duduncad oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in goobta uu ka dhacay dagaal socday wax kabadan Saacad, kaasoo ka dhashay khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo kooxdii Shabaabka ahaa laga eryay goobta.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dib u xureynta deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in weerarka Shabaab ay ku soo qaadeen deegaanka Duduncad ay iska difaaceen ayna gaarsiyeen kooxdii soo weerartay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, hayeeshee dhankooda ayuu sheegay in dagaalka ay kaga dhaawacmeen sadax ruux.

Ad
Previous articleGudoomiye Madaale oo ka farxiyay Hooyo Deeqo Muuqaal Dareen xumbaarsan Facebook ku baahisay (Sawirro)
Next articleDowlada Ciraaq Oo Kudhawaad $100 Miliyan Deyn Ah Ka Cafineyso Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here