Home Wararka Maanta Gudoomiye Kuxigeenkii Daacish oo Lagu Dilay Buuraha Calmiska ee Puntland

Gudoomiye Kuxigeenkii Daacish oo Lagu Dilay Buuraha Calmiska ee Puntland

0

Horraantii toddobaadkan ayey aheyd markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay inuu bixiyey amarka duqayn ka dhacday buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Duqeyntan oo lala beegsaday maleeshiyaadka ay ciidanka Puntland kula dagaalamayaan buuraha Bari ayaa waxaa ku dhintay mid kamid ahaa sarkaal sare oo kooxda u qaabilsanaa qorshaynta weerarada, sida ay sheegeen milatariga Maraykanka. Inkasta oo la sheegin magaca sarkaalkaas iyo dagaalamayaashii kale ee ku dhintay duqaynta.

Maamulka Puntland ayaa dhankiisa xaqiijiyay in saraakiishaas uu kamid ahaa Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud oo ahaa ku-xigeenka hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

Mareykanka ayaa ku eedeeyay inuu yahay ninka maleegay weerarkii ugu horreeyay ee uu ururkaas ka fuliyay Boosaaso bartimihii 2017, kaasi oo ahaa qarax lagu bartilmaameedsaday bar koontarool boolis, ayna ku dhinteen illaa 5 ruux.

Ninkan ayuu Mareykanka u haystay inuu diyaariyo weerarada ka dhanka ah ganacsatada diidda lacagaha uu ururkaas ku soo rogo.

Cabdiraxmaan ayaa la sheega inuu ku guulaystay in bil qura uu ganacsatada ku qasbo inay bixiyaan lacag dhan 100,000 oo dollar, taasi oo mushaar ahaan loo siiyay dagaal-yahaanada kooxda.

Ninkan ayaa kaalin muhiim ah ugu jiray kooxda saldhigatay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, taas oo sanadihii dambe lacagihii ugu badnaa oo baad ah ka aruursatay ganacastada.

Maamulka Puntland ayaa haatan dagaal adag kula jira kooxdan, iyadoo bil gudaheed uu howl-galka u gudbay wejigiisi labaad, kaasi oo kooxda looga sifeynayo gebi ahaan deegaanada maamulkaas, gaar ahaan buuraha ay sanadaha gabaadka ka dhigteen.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMagaalada Jigjiga 28 Gabdhood oo laga helay Cururka HIV AIDS kuwaasi oo Jaariyad ahaa
Next articleJubaland oo ka hadashay Dagaalka looga Saaray Magaalada Baardheere