Home Wararka Maanta Magaalada Jigjiga 28 Gabdhood oo laga helay Cururka HIV AIDS kuwaasi oo...

Magaalada Jigjiga 28 Gabdhood oo laga helay Cururka HIV AIDS kuwaasi oo Jaariyad ahaa

0

Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Maamulka magaalada Jigjiga ay shacabka la wadaageen faah faahinta sharci cusub oo uu ku soo rogay gabdhaha jaariyooyinka ah ee ka adeega guryaha, kaas oo ah in baaritaan caafimaad la marsiiyo ka hor inta aanan la shaqaaleysiin.

Wararku waxa ay sheegayaan in tallabada sharcigaan ay ka dambeeysay kaddib marki 28 gabdhood oo adeegayaal ah laga helay cudurka HIV/AIDS, taasi ayaa keentay in maamulka uu soo saaro sharcigaan si loo xakameeyo faafista cudurkaan.

Wareysi uu siiyay laanta VOA ee Afka Soomaaliga ku hadasha, Ku xigeenka Duqa magaalada Jigjiga Khadar Muxumed Ismaaciil ayaa sheegay in arintaan ay la kaashadeen culumaaudiinka kadibna ay so saareen qorshe jaariyad kasta laga war haayo Caafimaadkeedi iyo Damaanadeedi si bii’adda lagu nool yahay ay noqoto mid ka bad qabta cudurada faafa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Xafiiska Caafimaadka ee Magaalada Jigjiga uu shaqadaan ugu xilsaaran yahay ayna jiri doonin in loo shaqeeyaha uusan qabsan karin gabar aan caafimaadkeedi lasoo baarin si lamid ah damaanad.

Ugu dambeeyn waxa uu tilmaamay in nidaamyada dakhliga lagu uruuriyo ay qeyb ka noqon doonaan goobaha la isku qurxiyo iyo timajarayaasha oo ah meelaha diirada la saarayo marka laga soo tago arinta shaqaalaha Guryaha waxaana uu sheegay inaysan arintaan ahayn mid faquuq ah ama cid gaar ah lagu bartilmaamaysanayo.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDagaalka Baardheere oo lagu dilay Guddoomiyahii Arrimaha bulshada degmadaasi
Next articleGudoomiye Kuxigeenkii Daacish oo Lagu Dilay Buuraha Calmiska ee Puntland