Home Wararka Somaliya Gudoomiye Ku xigeenka Yaaqshiid oo Qarax lala Eegtay

Gudoomiye Ku xigeenka Yaaqshiid oo Qarax lala Eegtay

0

Cabdullaahi Shiilow, guddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee degmada Yaaqshiid ayaa ka badbaaday isku day dil, kadib qarax loo dhigay gaarigiisa daqiiqado ka hor.

Guddoomiyaha waa nabad qabaa laakiin waxaa ku dhaawacmay 3 kamid ah Askartii la socotay oo qaarkood garaaw yihiin.

Dhawaan ayaa Qarax lala eegtay Gudoomiyaha Degmada yaaqshiid oo marayay Deegaanka Daaru salaam, waxaana sidoo kale Qarax Miino oo Maanta la dhigay Meel udhaw Degmada Kaaraan Lagu Qarxiyay Gaari nuuca raaxada ah oo waday Wacya galinta Caroona.

Qaraxyada La xariira Miinooyinka Dhulka la dhigo ayaa ku soo badanaya Muqdisho, waxaana Lagu dilay Gudoomiye ku xigeenkii Garasbaaley iyo Xubna kale.

Ad
Previous articleICJ oo shaacisay jadwalka Dhageysiga dacwada Soomaaliya iyo Kenya
Next articleDEG DEG Madaxweyne Cali Mahadi oo geeriyooday