Home Wararka Maanta Gudoomiye Ku xigeenka Gobalka Banaadir Cali yare iyo Safiirka Uganda oo Ku...

Gudoomiye Ku xigeenka Gobalka Banaadir Cali yare iyo Safiirka Uganda oo Ku Kulmay Muqdisho (Sawiro)

0

Guddoomiye Ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Md. Cali Cabdi Wardheere ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka dowladda Ugandha Ambassador Mugisha, waxa ayna labada masuul ka wada hadlay adkeynta Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ugandha.

Ambassador Mugisha oo ka mahadceliyey sida loogu soo dhoweeyey xafiiska Amniga ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aaney Soomaaliya ka tageerin oo kali ah dhinaca Milatariga iyo dagaalka Al- Shabaab, balse ay taageero buuxda siiyaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ku howlan sugidda Amniga shacabka.

Mr. Mugisha ayaa intaa ku daray in xiriirka labada dal uu aad u wanaagsan yahay taasina ay saamaxdey in ay dalka Ugandha wax ka bartaan ku dhowaad lix kun oo arday oo ku jira kulliyado kala duwan, waxaa kale oo uu sheegay iney xiriir wanaagsani ka dhexeeyo Ganacsatada labada dal, isagoo hoosta kan xariiqay iney dalka Ugandha ku nool yihiin ka badan 40 kun oo soomaali ah.

Guddoomiye Cali Yare Cali oo u mahadceliyey safiirka ayaa ka codsaday in la so celiyo tababardii ay dowladda Ugandha siin jirtey shqaalaha dowladda hoose iyo Guddoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxa kale oo uu Guddoomiye Cali Yare safiirka ka codsaday in la fududeeyo helitaan dal ku galka ee VISAHA maadaama ay Soomalidu aad u safarto.

Gebagebadii Ambassador Mugisha waxa uu balan qaaday in uu wax badan ka qaban doono codsiga Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana lagu balamay in la joogteeyo kulamada u dhexeeya Safaaradda iyo Gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah Agasimayaasha Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Agaasimayaasha qeybta Amniga iyo Siyaasadda.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleWeriye Lagu xiray Galgaduud oo Goor dhaw Xabsiga Laga sii daayay
Next articleDowladda Kenya oo sheegtay inay dib u furayso Safaarada ay ku leedahay Somaliya (Akhriso)