Home Wararka Maanta Gudoomiye Cumar Finish oo la Kulmay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Somaliya

Gudoomiye Cumar Finish oo la Kulmay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Somaliya

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta Safaarada Turkiya ee Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Turkiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Mehmet Yilmaz.

Duqa Muqdisho Mudane Cumar Filish iyo Danjire Mehmet Yilmaz ayaa ka wada hadlay xoojinta Xiriirka Safaarada Turkiya iyo Dowladda Hoose ee Xamar iyo Sidii Safaarada Turkiya ay Gacan ugu geysan laheyd baahiyaha dadka Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Turkiya kaga Mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya, iyagoona horay dhowr mashaariic oo horumarineed ugu fuliyay Muqdisho, sida dhismaha waddooyinka, xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho.

Ad
Previous articleShil Goor dhaw ka dhacay Duleedka Magaalada Galkacyo (Sawiro)
Next articleRa”isul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka Hadlay Khilaafka Madaxda iyo Colaada Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here