Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Gudoomiye Aadan Madoobe Oo Xiisadda Baydhabo Kala Hadlay Mucaaradka Lafta-Gareen.

Gudoomiye Aadan Madoobe Oo Xiisadda Baydhabo Kala Hadlay Mucaaradka Lafta-Gareen.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay hoygiisa kulan kula qaatay Midowga Musharraxiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Musharraxiinta Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed si loo helo midnimo isla-markaana la iska kaa shado sidii loo sii amba qaadi lahaa dib u xorreynta kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, Kulanka Guddoomiyaha iyo musharraxiinta ayaa loo balamay in laiskugu soo laaban doono caawa, si loosii amba qaado wadahadalada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyay dadaalada lagu doonaayo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu ku baaqay isagoo sheegay in muhiim ay tahay midnimada iyo jiritaanka reer Koonfur Galbeed lana xoojiyo kacdoonka dadweynaha ee dalka looga xorreeynaayo argagaxisada.

Ad
Previous article“Ala muxuu ciyaartoy yahay” Jamaahiirta Man United oo amaan ugu qubeeyay burburiyaha khadka dhexe ee kooxdooda ee Casemiro
Next articlePuntland oo ku baaqay in si isku mid ah loola dagaalamo Al Shabaab iyo Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here