Home Wararka Maanta “Ala muxuu ciyaartoy yahay” Jamaahiirta Man United oo amaan ugu qubeeyay burburiyaha...

“Ala muxuu ciyaartoy yahay” Jamaahiirta Man United oo amaan ugu qubeeyay burburiyaha khadka dhexe ee kooxdooda ee Casemiro

0

Jamaahiirta Man United ayaa amaan ugu qubeeyay burburiyaha khadka dhexe ee kooxdooda ee Casemiro oo markale bandhig caalami ah ka sameeyay kulankii ay xalay guusha 3-0 ah ka gaadheen Nottingham Forest.

Casemiro ayaa xagaagii 51 Milyan oo pound Man United ugaga yimid dhinaca Real Madrid wuxuuna u buuxiyay booska No.6 oo ah mid ay mudo sanado ah ku dhibanaayeen.

Casemiro ayaa kulankii hore ee Carabao Cup ee Burnley qaab heer sarre ah uga ciyaaray daafaca dhexe oo loo adeegsaday halka uu markale xalay wacdarro ka dhigay booskiisa asalka ah ee burburiyaha dhexda.

30 sano jirka ree Brazil ayaa kulankii Nottingham bilaw ilaa dhammaad u maamulayay Red Devils isagoo kusoo xidhay caawinta goolkii saddexaad isla markaana guddoomay abaalmarinta xiddigii kulanka.

Haddaba, jamaahiirta Manchester iyo halyeeyga kooxdaas ee Rio Ferdinand ayaa amaantiisa isku raacay iyadoo Rio barta Twitter-ka kusoo qoray “Waan jeclahay ninkan Casemiro”.

Halkan hoose kaga boggo faalooyinka ay jamaahiirta Red Devils qaarkood ka dhiibteen bandhigii Case:

“Caadi ma tihid”

“Boqor”.

“Heer caalami”

“Ala muxuu ciyaartoy yahay”

“Burburiyaha ugu wanaagsan dunida, mishiinka kooxda, aad ayaanu ugu nimcaysanahay inaanu adiga United kugu haysano halyeey”.

“Lugahayga ayaan kusiin karaa haddii aad mar uun dhaawacanto, burburiyaha ugu wanaagsan dunida”.

“Lacag uusan u qalmin oo yar ayaynu ka bixinay Casemiro, sheeg PayPal-kaaga @RealMadrid”.

“Casemiro wuxuu si fudud ku yahay burburiyaha khadka dhexe ee ugu wanaagsan Premier League, uma malaynayo inay wax dood ahi jirto”.

“Casemiro kaliya kuma jees-jeesayo Premier League balse sidoo kale wuu jeclaysanayaa, goolkasta waxa uu ugu dabaaldegayaa sida Champions League-sii lixaad”.

Ad
Previous articleDowlada Federalka Soomaaliya oo war kasoo saaray xirnaashaha waddooyinka iyo garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho
Next articleGudoomiye Aadan Madoobe Oo Xiisadda Baydhabo Kala Hadlay Mucaaradka Lafta-Gareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here