Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Gudoomiye aadan madoobe oo hal arrin ku amaanay Laftagareen iyo Maamulkiisa (Sawirro)

Gudoomiye aadan madoobe oo hal arrin ku amaanay Laftagareen iyo Maamulkiisa (Sawirro)

0

Ku-simaha Madaxweynaha dalka, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay hoygiisa ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftageen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Waxay si gaar ah diirada u saareen arrimaha la xiriira abaaraha saameeyay deegaanada maamulkaasi iyo sidii loo xoojin lahaa howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee socda degaannada iyo degmooyinka Maamulka Koonfur Galbeed.

Shiikh Aadan Madoobe ayaa bogaadiyay doorka adag ee Madaxweyne Laftagareen iyo Maamulka Koonfur Galbeed ka qaadanayaan la dagaalanka kooxda Al shabaab iyo sidii looga ciribtiri lahaa degaanada Koonfur galbeed guud ahaan, wuxuuna ku booriyey iney dedaalkooda halkaas ka sii wadaan

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo ka qayb galay furitanka Shir-madaxeedka J/Carabta(Sawiro)
Next articleMareykanka Oo Cunaqabateyn Saaray Xubno Daacishta Soomaaliya Kamid Ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here