Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Xisbi siyaasadeedka Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan oo Ka warbixiyay Waxa...

Gudoomiyaha Xisbi siyaasadeedka Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan oo Ka warbixiyay Waxa uu CID kala Soo Kulmay Madaxweyne Biixina Eedeeyey

0

Gudoomiyaha Xisbi siyaasadeedka Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa maanta looga yeeray Xarunta Dambi-baarista ee Hargeysa ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay markii uu kasoo baxay wuxuu kusifeeyey sharci darro, caburin iyo cagajugleyn uu wado Madaxweynaha Somaliland.

“Waxaa muuqata in Madaxweynuhu u isticmaalayo ciidamada hab siyaasadeed , shalay ayay ahayd oo Muuse ciidamadu u yeedheen oo diiday oo inamo qoryo sita u yeedhay, Muusow Boqortooyo laguuma dooran, qabalayno ha hadlina , yeeli mayno waanan hadlaynaa, wixii sharcigu baneeyay” ayuu yiri Xirsi.

“Su’aalaha ka baqan mayno, Sharciga ilaalinaynaa, wax sharci darro ah kayeeli mayno cidna, Shacabkana haddaan leenahay ha yeelina wax sharci darro ah, Maalmihii kuu hadhsanaa in aad buuqa galiso, anaguna buuqa ayaa kugu caawinaynaa”ayuu yiri Xirsi Xaaji.

Somaliland, kacsanaan siyasadeed ayaa kajirta oo la xariirta arrimaha Xisbi furashada, Doorashooyinka soo wajahan ee Madaxtooyada oo dhammaadka sannadkan qorsheysan ayaa sii kicinaya.

Ad
Previous articleGuddiga Gurmadka Abaaraha oo Maanta qeybiyay Lacagaha Loogu talagalay Abaaraha
Next articleWasaaradaTamarta iyo Biyaha Galmudug oo Maantay nalalka Cadceeda ku shaqayso ka Hirgalisay Degmada Galinsoor(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here