Home Wararka Maanta Guddiga Gurmadka Abaaraha oo Maanta qeybiyay Lacagaha Loogu talagalay Abaaraha

Guddiga Gurmadka Abaaraha oo Maanta qeybiyay Lacagaha Loogu talagalay Abaaraha

0

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa bilaabay qeybinta qoondadii lacageed ee Dowladdu ugu talo gashay gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen abaaraha, iyagoo maanta qoondo lacageed ku wareejiyay Dowlad-goboleedyada dalka.

Guddiga oo ay guddoomiye u tahay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka XFS Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta gargaar lacageed oo loogu talo galay dadka abaaruhu saameeyeen ku wareejiyay Dowlad-goboleedyada dalka .

Munaasabadda wareejinta qoondadan oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka soo qeyb galay Wasiirrada gargaarka ee Dowlad-goboleedyada iyadoo ay goobjoog ahaayeen xubnaha wasiirrada ah ee Guddiga Gurmadka abaaraha.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadashay munaasabaddii qeybinta qoondada lacageed ee dowladdu ugu talo gashay gurmadka abaaraha, ayaa sheegtay in ay sii socon doonaan howlaha gurmadku.

Sidoo kale Wasiir Wasiirka Gargaarka ee Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya oo ku hadlay magaca dowlad goboleedyada ayaa uga mahadceliyay dowladda gurmadka ay soo gaarsiisay, isagoo ballan qaaday in la gaarsiin doono dadkii loogu talo galay.

Ad
Previous articleGudiga Baarista Afganbigii Dhicioobay ee Madaxtooyada Oo mantay lakulamya Taliyaha ilaalada Madaxtooyada
Next articleGudoomiyaha Xisbi siyaasadeedka Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan oo Ka warbixiyay Waxa uu CID kala Soo Kulmay Madaxweyne Biixina Eedeeyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here