Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Mudane Maxamed Cawil Warsame ayaa saakay safar shaqo u aaday magaalada Garowe ee caasimada Dowlad goboleedka Puntland.
Xubnaha Guddiga oo ka kooban 4 xubnood ayaa goobjoog waxay ka noqon doonaan doorashada Golaha Shacabka BFS ee ka dhici doonta Puntland.
Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa uu marwalba diyaar u yahay ka garnaqida Khilaafaadka Doorashada Dadban ee golaha shacabka BFS.
Ad