Home Wararka Maanta Gudoomiyaasha Gobalka Banaadir iyo Sh/dhaxe oo AMISOM kala shiray xasuuq loo gaystay...

Gudoomiyaasha Gobalka Banaadir iyo Sh/dhaxe oo AMISOM kala shiray xasuuq loo gaystay dad Shacab ah

0

Guddoomiyaasha Labada Gobalka Banaadir iyo Shabeelaha Hoose ayaa si wadajir kulama kala duwan ula qaatay saraakiisha qeybaha AMISOM iyo sidoo kale taliyaha ugu Sareeya howlgalka nabad ilaalinta Amisom ee Soomaaliya General Ndegeya Diomede.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa si wadajir kulama kala duwan ula qaatay saraakiisha qeybaha Amisom iyo sidoo kale taliyaha ugu Sareeya howlgalka nabad ilaalinta Amisom ee Soomaaliya General Ndegeya Diomede.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii baaritaan deg deg ah loogu sameyn lahaa dhacdadii argagaxa laheyd ee ciidamada Amisom ku xasuuqeen Allaha Unaxariistee dad shacab ah oo kunool deegaanka Goolweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa u sheegay Madaxda Amisom inaan la aqbali karin falkaasi gurcan ee lagu dilay 7-qof oo shacab ah, islamarkaana loo baahan yahay in marxuumiintaas iyo eheladooda ay si deg deg ah u helaan cadaalad.

Ad
Previous articleMidowga Musharaxiinta oo Ka shiraya xaalada Doorashooyinka
Next articleMuqdisho oo Maanta lagu daah-furayey Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa iyo ka mid noqoshada Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallanka Musuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here