Home Wararka Maanta Gudoomihii Hore ee Degmada Dharkeenleey ee Alshabaab U Baxsaday Oo Lasoo Qabtay

Gudoomihii Hore ee Degmada Dharkeenleey ee Alshabaab U Baxsaday Oo Lasoo Qabtay

0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa gacanta ku dhigtay Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo ka tirsanaa Alshabaab kaas oo in muddo ah ku dhex dhuumanayay Hay’addaha Dowladda.

Abuukar ayaa intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2019 soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Wadajir, sidoo kale 2019 ilaa 2020 waxaa uu Guddoomiye kasoo noqday degmada Dharkeynley isaga Alshabaab kala shaqeeyay fududaynta falal amni darro oo ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho.

Xogta Hay’adda NISA ay heshay waxa ay caddayneysaa in Abuukar Axmed Caddow uu Alshabaab ku biiray intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2014, waxa ay tababar Sirdoon ku siiyeen magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose isaga oo Alshabaab ka caawin jiray gudbinta xogta Saraakiisha iyo Xafiisyada dowladda iyo fududaynta dhagaraha Kooxda.

NISA oo heshay xogta dhagar qabahan ayaa dabagal ku haysay mudddooyinkii u dambeeyay waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay in 04-tii March 2024, laga qabto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isaga oo ka yimid dalka Kenya.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka waxa ay u digeysaa cidkasta oo la shaqeysa Alshabaab waxaana ka go’an adkaynta nabadgalyada muwaadinka Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleBashiir Kacaan Oo Geeriyooday iyo Raysulwasaare Xamse oo ka Hadlay
Next articleBaarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u yeeray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada kadib Markii…..