Home Wararka Maanta Bashiir Kacaan Oo Geeriyooday iyo Raysulwasaare Xamse oo ka Hadlay

Bashiir Kacaan Oo Geeriyooday iyo Raysulwasaare Xamse oo ka Hadlay

0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Bashiir Axmed Cusmaan (Bashiir Kacaan) oo saakay ku geeriyooday Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumka ku sifeeyey muwaadin naftiisa iyo waqtigiisa u soo huray dalkiisa, isla markaana ahaa hawlkar waddankiisa wax badan ugu qabtay aqoontiisa.

“Alle waxaan uga baryayaa in uu naxariistii Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, qoyska iyo ehellada uu ka tegeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo Marxuum Bashiir Axmed Cusmaan (Bashiir Kacaan) oo muddo dheer u soo shaqeynayey dowladnimada Soomaaliya”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Marxuum Bashiir Axmed Cusmaan (Bashiir Kacaan) oo saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaa uu ahaa Lataliye Sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo 2013 ilaa 2023 ahaa Agaasinka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, muddadaas oo uu ugu adeegayey dalkiisa, aqoontiisa iyo waayo-aragnimada uu u leeyahay dowladnimada.

Ad
Previous articleLuul Cabdicasiis aabaheed oo Sheegay Sababta uu U Doortay in la Toogto Sayid cali
Next articleGudoomihii Hore ee Degmada Dharkeenleey ee Alshabaab U Baxsaday Oo Lasoo Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here