Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee 2020/2022 ayaa muddo dheeri ah ku daray baaritaanka dacwada kursiga Nambarkiisu yahay HOP045.
Kursigan oo doorashadiisu ka dhacday degmada Baraawe ayaa dhawaan loo diiday inuu u tartamo Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed, isagoo dacwad ka gudbiyay Musharaxi ku guuleystay.
Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada ayaa Shan maalmood oo dheeri ah ku daray xilliga loogu tala galay in lagu soo gabagabeeyo dacwadda.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA GUDDIGA
Ad