Home Wararka Maanta Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland oo farageliyay arrinta Laascaanood

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland oo farageliyay arrinta Laascaanood

0

Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Qaliif ayaa ku eedeeyay xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi in sabab u aheyd dhibaatada xooggan ee xilligan ka taagan magaalada Laascaanood.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in xaaladda ka taagan magaalada Laasacaanood ay ka dhalatay dacyac dhanka xukuumadda Somaliland ah, waxa uuna xusay in xukuumadda ku fashilantay wax ka qabashada xaalada Laascaanood.

Guddoomiye Cabdirisaaq Qaliif  ayaa sheegay in muddo ah magaalada Laascaanood ay ka dhacayeen dilal qorsheesan oo loogu gaysanayay dad ahaa waxgalka bulshada, kuwaa uu tilmaamay in aan xaaladooda waxba laga qaban .

Cabdirisaaq Khaliif guddoomiyaha golaha wakiillada ayaa ku eedeyay xukuumadda in ciidamo u adeegsatay dadka shacabka ah oo dhigay dibadbaxyo ay ku muujinayeen sida ay uga xunyihiin dilalalka joogtada noqday.

Waxaa uu cadeeyay in caburin iyo xoog aan xalku ku jirin balse loo baahanyahay in maamulka Muuse Biixi la yimaado qorshe ay wax kaga qabanayso dhibaatooyinkii keenay in ay dadku kacaan.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Markale Dad Shacab ah ka Afduubtay Gobalka Hiiraan
Next article11kii Laacib Ee Todobaadkan Ugu Fiicnaa Premier League Oo La Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here