Home Wararka Maanta 11kii Laacib Ee Todobaadkan Ugu Fiicnaa Premier League Oo La Shaaciyay

11kii Laacib Ee Todobaadkan Ugu Fiicnaa Premier League Oo La Shaaciyay

0

Todobaad weyn ayay u aheyd Arsenal halka isbuuc fiican ay u aheyd Manchester iyo Liverpool iyagoo noqday seddexda kooxood ee badiyay lixda kooxood ee ugu waa weyn horyaalka Premier League todobaadkan.

Gunners waxay ka talaabsatay Brighton, Man United waxay garaacday Wolves halka Liverpool ay dubatay Leicester City iyadoo aan gooldhalinin.

Arsenal waxay horyaalka ku hogaamineysaa todoba dhibcood, waxayna hogaankaas ka dhigan kartaa 10 dhibcood madaama ay ka hor ciyaarayaan Man City kulanka soo socda. Newcastle oo lagu dhegay weli waxay ku jirtaa kaalinta 3aad halka Manchester United ay todobaadkan degtay kaalinta 4aad.

Hadaba khabiirka BBC Sport Garth Crooks ayaa soo xushay shaxdiisa todobaadka ee Premier League.

Goolhayaha todobaadkan ugu fiicnaa waa David de Gea, inkastoo uu Rashford dhaliyay goolka guusha hadana Man United waxay guushii ay ka gaareen Wolves uga mahadcelinayaan De Gea oo Ruben Neves iyo Raul Jimenez fursado goolal loo fishay ka beeniyay.

Ad
Previous articleGuddoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland oo farageliyay arrinta Laascaanood
Next articleDeni Oo ku Dhawaaqay in Laasacaanood ay Leedahay Puntland Talaabo Deg deg ahna Qaadi Doonaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here