Home Wararka Somaliya Guddigii Ra’isul Wasaaruhu Magacaabay oo Yeeshay Kulankii ugu Horeeyay iyo Waxyaabaha ay...

Guddigii Ra’isul Wasaaruhu Magacaabay oo Yeeshay Kulankii ugu Horeeyay iyo Waxyaabaha ay qaban doonaan {SAWIRO}

0

Kooxda Farsamada Doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta oo Arbaca yeeshay kulankoodii ugu horeeyay tan iyo markii la magacaabay.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arimaha farsamo ee mudnaanta u leh Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya si uu habsami uga fuliyo howlaha doorashooyinka ee uu xilsaaran yahay.

Guddigaan waxaa ay raisal wasaaraha ay ka taageeri doonaan:

1. In qodobadii heshiiska lagu gaaray shirkii Golaha wadatashiga Qaranka 27 ka May 2021 loo fuliyo si habsami ah.

2.Xiriirinta dhamaan hayadaha ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka si loo hagaajiyo habsami u xiriirka hayadaha wada shaqeynaayo

3. In taageero farsamo uu siiyo guddiyada doorashooyinka.

4.Xiriirinta XR, Golaha wadatashiga qaranka iyo bessha caalamka.

Doorashooyinka Soomaaliya waxa maamulaya hirgalintooda guddiyada madaxa bannaan ee heer Federal FIET iyo Heer dowlad Goboleed SIET iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Kooxdan Ra’isul Wasaaruhu magacaabay waxa ay shaqadoodu ku kooban tahay in ay farsamo ahaan gacansiiyaan guddiyadaas kor ku xusan si howlaha doorashada ugu qabtaan si daahfuran oo madax bannaan.

Ad
Previous articleMidowga Musharaxiinta oo war ka soo saaray Guddi uu Magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble
Next articleWasiirkii Hore arimaha Gudaha Soomaaliya oo gaaray Hobyo (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here